Hadaljeedintii Madaxweynihii 6-aad ee XAJSi uu ka jeediyey Xafladda Xilwreejinta
Nov 10

Hadaljeedintii Madaxweynihii 6-aad ee XAJSi uu ka jeediyey Xafladda Xilwreejinta

Fadlan guji halkaan si aad u dajisato hadaljeedinta Madaxweynihii 6-aad ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) ee uu ka jeediyey xafladda xilwareejintiisa.

Ugu horreyn, waxaan salaan diirran u jeedinayaa dhamaan kasoo qeyb galayaasha xafladdaan xil-wareejinta iyo caleema saarka ah, Maamulka jaamacadda, oo uu ugu horeeyo kusimaha Gudoomiyaha Jaamacadda, Gudoomiye ku-xigeenada, Agaasimayaasha xafiisyada kala duwan ee Jaamacadda, Hormuud yada kulliyadaha, Macallimiinta, Madaxda Xukuumaddii hore iyo kuwa hadda, Ardeyda hadda dhigata iyo kuwii hore, midowyada ardayda jaamacadaha saaxibada nahay, ururada dhalinyarada iyo marti sharafka kale ee kasoo qeyb galay munaasabaddaan quruxda badan dhamaantiinna, qof kasta oo halkan fadhiya waxaan ku salaamayaa salaan midda ugu milgaha iyo  maamuuska badan oo ah salaanta islaamka Assalamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu !

Salaan kaddib, Caawa waa habeen kale oo taariikhi ah, waa habeen qiimo weyn ugu fadhiya bahda jaamacadda SIMAD. Haddaan dib umilicsanno maalmihii ugu dambeeyay, waxaan qaadaneynay xiisado dadban; murashaxnimo, olole, doorasho iyo howlihii tirada badnaa aan soo marnay ma aheyn kuwa fudud oo qof walba uu sameyn karay. Ujeedka waxa uu ahaa inaan si tababar toos ah ubaranno micnayaasha dhabta ah ee dadaalka, loollanka, qorsheynta, go’aan qaadashada, dad iskuxirka iyo isu-tanaasulka. Waxaa mahaddaas iskaleh maamulka jaamacadda oo markastaba muhiimadda siiya waxbarashada dadban ee lagu dhisayo garaadka iyo garashada ardeyda.

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kamid ahay qoyskaan aadka uquruxda badan, sidoo kale waxaa sharaf ii ah inaan soo hoggaamiyay mid ka mid ah laamaha ugu muhiimsan uu ka kooban yahay qoyskaan ballaaran oo ah Xukuumadda Ardeyda Jaamacadda SIMAD –XAJSi. Waxaan u hambalyeynayaa madaxda cusub ee la doortay oo Hormuudka u yahay walaalkey Maxamed Cabdi Xassan iyo xukuumaddiisa cusub.

Wax walba oo bilaaw leh waxa ay leeyihiin dhamaad, dib u milicsi dheer, bilaawgii qabashada xafiiska waxa ay inoo aheyd dareen farxadeed, aqbalaad iyo masuuliyad. Waxa ay ii tahay sharaf in aan soo hogaamiyay xukuumaddii 6aad ee XAJSi iyo muddo xileedkii ugu waqtiga dheera ee xafiiska XAJSi, waxa ay inoo aheed muddo xilleed wato fursado dahabi ah, isxilqaan, dhanka kalana ku watay caqabado iyo tababar culus, waxaa xusid mudan in aan kusoo shaqeenay xilligii ugu adkaa ee abid XAJSi xafiiska maamusho, xilli dunida oo dhan ay halakeeyeen aafaadda safmarki cudurki COVID19 kaas oo dunida kala xeray, waxbadana ka badalay habdhaqanki dadka, iyada oo dadka lagu dhiiri gelinayay kala fogaanshaha salaana warkeeda daa!

Waxaa laga yaabaa in badan oo innaga mid ah caawa in ay mustaqbalka nagu soo xasuustan ama noogu yeeraan “Xukuumaddii Corona Virus “! Waxaa Alle mahaddi ah in uu eebe inoo saqirray oo naga wada badbaadiyay aafada musiibadaas dunida wada saameesay Alxamdullilaah!

Saameeynta ka dhalatay safmarkii cudurka “COVID19” waxa ay la tagtay kala bar muddo xilleedkiina iyada oo saameyn buuxda iyo hakad galisay qaab nololeedkii bulshada si guud, si gaar ah hanaankii waxbarashada unayeeshay waji cusub oo aan hore la iskugu sii diyaarin. Waxaa jeclahay in aan si koban idinla wadaago howlihii u qabsoomay xukuumadda iyo kuwii qabyada noqday; sido kale qorshe howleedka XAJSi ee mustaqbalka dhaw.

  1. Bilaaw cusub, dib u habeeyn xafiis yada xukuumadda, qaab dhismeedka XAJSi oo soo koobnay iyo dajinta hanaanka maamulka maaliyadda ee XAJSi
  2. Dajinta qorshe howled ku dhisan daadajinta awoodda fulintan oo ka kooban saddex tiir:
    • Hormarinta arimaha ardayda
      • Horumarinta akhriska iyo qoraalka; waxaan aasaasnay naadiga akhriska iyo hal- abuurka ee SIMAD
      • Madasha XAJSi – XAJSi Forum
      • Alumni Faces initiatives
      • Capacity building programs for (fresh, junior and senior students)
      • Isku xerka ardayda kala jooga campus yada kala duwan ee jaamacadda.
      • Taageeridda hibada iyo hal-abuurka ardayda jaamacada
    • Xirrirka dibadda la leenahay iyo isgaarsiinta
      • Waxaan  xoojinay xiriirka aan la leenahay midowyada  ardayda jaamacadaha kale innaga oo kala saxiixanay heshiisyo wadashqeyn.
      • Waxaan  qeyb  mug  weyn  leh  ka  qaadanay  dhismaha  Midowga  hogaanka  Ardyda Jaamacadha Somaliyeed oo ay ku mideeysanyihiin in kabadan 12 jamacadood.
      • Ka qeyb galka shirar iyo tababro caalami ah hab online iyo kuwa dalka ka dhacay kuwaas oo kor loogu qadayay tayada ardayda jaamacadda
      • Cultural exchange program proposal – GAROOWE TEAM , TURKEY AND KENYA
      • Xubin nimada ururo maxalli ah iyo kuwa caalami sida:  Africa University Sports and FISU, HAJSO
    • Horrumarinta Iyo Qorsheynta
      • Dib u eegista iyo tarjumaadda Afsoomaaliga ee dastuurka XAJSi
      • Dajinta howle qorsheedka hiigsiga fog ee XAJSi “Strategic Plan”
      • Dhismaha Xulka ciyaartoyda ee SIMAD
    • Agaasinka dhacdooyinka waa weeyn ee Jaamacadda
      • Waxaa nasiib u yeelanay sanad guuraaddii 20ad ee aasaaska jaamacada, waxaa qeyb wen ka qaadannay agaasinka xaflado lagu weynenayo iyo muujinta shacaairta jaamacada anaga oo matalaya ardayda
      • Ka qeybgalnay shirarka CEST iyo CMHS oo ay si wadajir ah u qabanayeen Jaamacaddaha SIMAD iyo Jamhuriya.
      • Xafladda Qalinjebinta Dufcadda 14-aad
      • Soo dhaweynta ardayda cusub labo sano oo xiriir ah qaab ka duwan sidii hore
      • Doorashada Hogaanka XAJSi
      • Ka qeyb galka arrimaha samafalka

Howlihii qabyada noqday ee aan inoo qabsoomin

Saameynti ka dhalatay COVID19 awgeed waxa gabi ahaan hakad galay waxbarashi loo soo aadi jamacadda, waxaana is badaly habkii waxbarashada iyadoo la dabaqay hab online ah. Saameeyntaas waxa ay socotay kala bar muddo xileedkeenii. Waxaana la jaan qaadnay isbadalka cusub ee yimid:

  1. Waxaa ka caawinay ardayda cusub la qabsiga waxbarashada ONLINE ka ah, xog qaadashada maamulka iyo ardayda iyo muuqaallo ka caawinaya isticmaalka barnaamijyada wax lagu baranaye.
  2. Live webinars and Seminars
  3. Waxaa kaloo ka qeyb qaadanay wacyi gelinta ku aadan caabuqa COVID19

Intaas marki laga so tago waxaa jiray hal abuuro cusub iyo  barnaamijyo u qorsheesna xukuumadda oo ay naga saameeyeen COVID19 waxaana ka mid ahaa:

  • CAREER WEEK 2020
  • HIGH SCHOOL GRADUATING CLASS OF 2020 OUTREACH
  • FIRST AID TRAINING (100 STUDENTS) WITH COLLABORATION OF RED CRESCENT
  • FIRST AID KIT
  • SIMAD MODEL UNITED NATIONS
  • SIMAD FEMALE TALENTS FAIR
  • CULTURAL WEEK WITH SOMALI CULTURE GALLERY

Ugu  danbeyntii  muddo  xileedkii  koobnaa waxa ay inoo  aheed  casharo  iyo  waxbarasho dadban iyo tababr culus oo ku aaddan hogaanka, waxa ayna aaminaad badan gelisay anfteyda iyo in wadajir wax lagu wada qabsan karo. Dhacdooyinki kala duwanaa iyo la falgalka dad kala duwan waxa ay ii biirisay khibrad siyaado ah, dhamaan aniga iyo team keyga waxaan uga mahadcelinena jaamacadda fursaddan waxbarashada dadban ah oo ay ardayda siisay si ay wax uga bartaan maamulka iyo hogaan ka wanaagsan.

Awoodsiinta ardayda, in ay si xur oo xalaal ah isku doortaan doorasho qof iyo cod ah iyo casharada ku duugan fursada hogaaminta ardayda waa sifo ay ku amaanantahay jaamacadda, mirahadeena ay tahay in ay soo saarto jiil waxbadan ka baddala maamul xumida iyo dib u dhaca ragadiyay wadankeena.

Waxaan rabaa fursdaan in aan ku bogaadiyo jaamacadda dadaalka ay ugu jirto horumarinta ardayda, waxaan u mahadcelinaya dhaman maamulka iyo xafiisyada jaamacadda oo si hagar laan ah inoola shaqeeye, na garab istaagay howl walbo aan qabaneenay. Waxaan rabaa si qaas ah in aan ugu mahadceliyo Guddoomiyaha Jaamacadda, Ustad Dahir oo mar walbo albaabada xafiiska inoo furay inoo muujiyay taageero buuxda. Waxaan sidoo kale bogaadinaya taagerada Gudomiye ku xigeenka dhanka waxbarashada Eng Mohamed Mohamud, Xafiiska PR, Arrimaha Ardayda, Xafiiska Howlaha guud , Xarunta Horumarinta Xirfadaha (CPD), Hormuudyada dhamaan Kulliyadaha iyo dhamaan xafiisyada jaamacadda iyo si guud dhamaan ardayda jaamacadda.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaya dhamaan xubnihi ila soo shaqeeyay waliba xilligii ugu adkaa ee XAJSi xafiiska maamusho, waxaad muujiseen dadaal, karti iyo dhabar adeeg. Gudoomiso Rajina iyo xoghayihi guud ee XAJSi waxa ay tusaale iyo dhiiri gelin u noqdaan hablaha jaamacadda, waxaa so kordhay ka qeybgalka hablaha ee dhanka hogaaminta ardayda.

Saaxiibadeyda, hogaanka cusub ee ardayda masuuliyadda Allaha u fududeeyo, waxaan idinku boorinaya fursadaha in aad ka faideesatan wixi caqabad ahna aad ku wajahdaan kalsooni iyo iskaashi. Waxaan idinla garab taagnaan doona talo iyo tusaale xilli walbo. Waxaana halkaan si rasmi ah ugu wareejinaya masuuliyadda xafiiska XAJSi ee jaamacadda SIMAD madaxweynaha la doortay ee XAJSi mudane Maxamed Xassan cabdi si waafaqsan qodobka 9aad faqraddiisa 5aad ee dastuurka XAJSi.

Waxaan idinkaga cudur daaranena wax walbo oo gaabis ah, sidoo kale waxaan idin weydiisanena aniga iyo team keyga cafis iyo  musaamax intii aan u gafnay. Guul baan u rajeenaya xukuumadda cusub iyo dhamaan ardayda jaamacadda.

Guuleeysta!

Cabdikarim Cabdullahai Maxamed

Madaxweynihii 6-aad ee XAJSi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

instagram image